Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya in Kenya Ay Ka Duubtay Codad Sir Ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed?

Dowladda Kenya ayaa baaris adag ku heysa helida cadeymo muujinaaya Heshiiskii lagu kala iibsaday Badda Soomaliya, waxaana iminka soo baxaaya in Kenya ay heshay cod sir ah oo laga duubay Sheekh Shariif.

Codkaani ayaa la sheegayaa inuu muujinaayo Madaxweynihii hore ee Kenya iyo Sheekh Shariif oo kawada hadlaaya Badda Somalia, waxaana codkaasi qeyb ka ahaa isfahan dari dhanka dhaqaalaha ah, iyadoo markii danbe ay labada mas’uul is fahmeen.

Codka laga duubay Sheekh Shariif ayaa waxaa la cadeeyay inay ku jiraan su’aalo soo laalabtay oo la weydiinaaya Sheekh Shariif taa oo lagu adkeeynaayo Heshiiska, waxaana xusid mudan in Codkaasi iminka lagu biiriyay cadeymaha Kenya ay geysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland.

Codkaani sirta ah ee laga helay Keydka siraha Madaxtooyada Kenya ayaa waxaa ICJ loo gudbiyay 2-10-2016, halka dhageysiga Dacwada ay kasoo dhamaatay September 23, 2016.

Codka sirta ah ee laga duubay Sheekh Shariif ayaa waxaa inta aan la geyn si wada jir ah u wada dhageystay Madaxweynaha Kenya, Ku-xigeenkiisa, Xeer ilaaliyaha iyo Qareenka Kenya.

Dacwadaani ayaa sidoo kale la sheegay in Maxkamada uu ku wareejiyay Githu Muigai oo ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya.

Mid kamid ah Saraakiisha Madaxtooyada Kenya ayaa laga soo xigtay in Codkaasi laga duubay Sheekh Shariif uu soconaayo 12 daqiiqo waxa uuna Sheekh Shariif xiligaasi cadeynaayay in shaqsiyaadka Somalia u matalaaya Heshiiska ay u fasaxan yihiin inay galaan Heshiiska, isla markaana waxa uu cadeynaayay inuu raali ku yahay Heshiiska dhacaayay.

Maxkamada ICJ ee Dacwadaani loo gudbiyay ayaa la sheegayaa in dhageysiga codkaasi ay la kaashaneyso Khubaro ka caawinaayay dhageysiga Dacwada Badda Somalia oo ah kiis aan si sahlan lagu soo gunaanadi karin.

Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif ayaa isna goor sii horeysay sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan waxba kala socon Heshiiska lagu kala iibsaday Badda iyo Goobta uu ka dhacay, waxa ayna taasi shaki galisay xaqiiqda hadalkiisa, iyadoo su’aasha ugu weyn ay tahay sababta keentay in isagoo Madaxweynaha dalka ah uu ula socon waayay Heshiiska Badda lagu kala iibsaday iyo baahida keentay in Dacwadaasi uu iska fogeeyo.

Haddii ay rumowdo sirtaani cusub cadeynta leh ee laga helay Sheekh Shariif, ayaa waxa ay saameyn iyo Hoos u dhac u sababi kartaa Ololaha iyo Rajadii la filaayay in mar kale uu soo laabto Sheekh Shariif.