(SAWIRO): Lammaane Soomaali ku naaloonaya inay Tahriib ku galaan Britain oo dhaafi la’ Kaymaha Calais (France).

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa London waxa uu Maqaal dheer ka qoray Kumanaan Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku xayiran Kaymaha Calais ee dalka Faransiiska.

Tahriibayaasha waxay muddo sannooyin ah joogaan Faransiiska, iyagoo ku hawlan sidii ay mar uun ugu tallaabaan dalak Bn.

Dadka Muhaajiriinta ee halkaasi ku go’doonsan waxaa ka mid ah Najiib Cumar iyo Xaakiisa Layla oo muddo 7 sanno ah ku sugan Faransiiska, iyagoo ku haminaya inay  mar uun u gudbaan dalka Britain.

Lamaanahan oo sannadkii 2009-kii safarkooda Tahriibka ka soo bilaabay magaalladda Muqdisho waxay weli ku hawlan yihiin sidii ay mar uun cagta u saari lahaa dalka Britain.

imranNajiib iyo Xaaskiisa oo 27-jir wada ah, waxaa Talyaaniga ugu dhashay Wiilkooda, Cimraan oo haatan 18 bilood jir, kaasi oo isagana qeyb ka ah Tahriibka Waalidkiisa.

Qoyskaasi waxay haatan ku sugan yihiin Kaymaha Calais, waxayna sheegeen inaysan marnaba joojin doonin Tahriibkooda ilaa ay UK ka tagaan.

Najiib Cumar iyo Xaaskiisa xaamilada ah ee Layla waxay hataan ku sugan yihiin dalka Faraniiska oo 9000  miles u jirta magaalladda Muqdisho.

“Halkani ma ah goob qoys loogu tala galay, laakiin waan sii joogi doonaa ilaa aan ugu dambeyn ka tagayno England” ayuu yiri Najiib Cumar.

Waxa uu intaasi ku daray inay dad badan ku sugan yihiin halka, balse ay Saraakiisha ka rajeynayaan inay ugu dambeyntii arrintooda dib u eegaan.

“Xaaskayga iyo Aniga waxaan Muqdisho ka soo tagnay sannadkii 2009-kii, waxaana isku hawlnay sidii aan ku gaari lahayn England” ayuu yiri Najiib, oo intaasi ku daray inuu Wiilkooda Cimraan ku dhashay Talyaaniga.

Waxa uu tilmaamay inuusan cunugooda wanaagsanayn oo uu dhibaato ka qaba xagga cunista.

Waxa kale oo uu sheegay inay Xaaskiisa tahay Xaamilo Uur 3 bilood leh, isla markaana ay xaalladu ku xun tahay. Waxa uu sheegay inay u baahan yihiin Kaalmo Degdeg ah.

Qoyska Najiib waxay haatan ku nool yihiin Teendho ay ka dhisteen Waddo aad u wasaq badan kuna dhow  waddo tagta Xarunta Eurostar ee magaalladda Paris.

Dhallinyaro u badan rag oo ka kala yimid dalal ay ka mid yihiin Somalia, Sudan iyo Eritrea ayaa  ku soo qulqulay Casaimadda dalka Faransiiska, kadib, markii laga soo dhaqaajiyey Xeebta Kanaalka Waqooyiga (The Northern Channel coast).

calais

Xigasho: dailymail.co.uk

Waxaa Turjumay: Ustaad Ahmed Hagi Ugaaska