(SAWIRO): FBI-da oo ku biirtay Baartitaanka Somali-Kenyanka xalay lagu dilay agagaarka Safaaradda Maraykanka ee Nairobi

zz
Saraakiisha Ammaanka ee Kenya iyo Baarayaal ka socda Dembi-baarista Boliska Maraykanka (FBI)-da ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka maydka Nin ay Boliska Ilaaladda ka ah Safaaradda Maraykanka shalay ku toogteen meel ku dhow Dhismaha Safaaraddaasi oo ku taalla Xaafadda Gigiri ee magaalladda Nairobi.

Marxumka la dilay oo 22-jir ahaa waxaa toogtay Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la sheegay in Tooray looga dooxay Madaxa iyo Laabta.

FBI-da iyo Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in Ninka la dilay ay la socdeen 2 nin oo kale, kuwaasi oo baxsaday, markii ay Toogashadda dhacday.

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Safaaradda Maraykanka oo lagu magacaabo  Fiona Evans ayaa xaqiijisay Toogashadaasi, waxayna sheegtay inuusan jirin qof ka tirsan Shaqaalaha Safaaradda oo ku lug lahaa Dhacdadaasi.

Waxayna intaasi ku dartay in ay Mas’uuliyiinta Kenya lagala xiriiri karo wixii Faahfaahino dheeraad ah.

Baraha Bulshadda ayaa la soo dhigay Sawirka Maydka Ninka lagu dilay agagaarka Safaaradda Maraykanka ee Nairobi,  waxaana la sheegay inuu Marxumku ka soo jeedo Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

Muuqaalada la soo dhigay Baraha Isku-xirka Bulshadda ayaa waxaaa ka muuqday ninka la dilay oo dhiig badan dhex yaalla.

usa-embassy2usa-embassy-3us-embassy1us-embassyus-embassy-1us-emba

us-embassy1us-emba