Ambassador Michael Keating oo ugu baaqay Soomaalida inay xaqiijiyaan Isbedel Siyaasadeed oo ku yimaada Nabad iyo Sharci.

Ergayga Garaka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating ayaa sheegay in Hawlaha Doorashadda Somalia joogto Xilli muhiim ah, loona baahan yahay inay Soomaalida ka faa’ideystaan Fursadaasi.

Waxa uu ku booriyey dadka Soomaalida inay nafsad ahaantooda xaqiijiyaan si ay  Isbedel Siyaasadeed ku keenaan Nabad iyo Sharci ahaansho.

“Guusha waxay oggolaan doontaa inay Somalia Weji cusub ka galaan Taariikhdooda iyo in Muwaadiniinta Soomaalida wada heleen Faa’idooyin la taaban karo” ayuu yiri Ambassador Michael Keating.

Waxa uu ka digay inay sii socdaan Dib-u-dhaca Codeynta Doorashadda iyo Wararka la xirira Musuqa iyo Cabsi-gelinta oo haatan su’aalo badan ka imaanayaan.

Ergayga waxa uu ugu baaqay Madaxda Siyaasadda iyo kuwa Ammaanka in la qaado Tallaabooyin Degdeg ah si loo dhameeyo Hanjabaadaha lagu hayo Musharixiinta ka mid noqon doona Barlamaanka, Ergooyinka iyo Saraakiisha Doorashadda iyo in la joojiyo isku-day kasta oo Laaluush lagu iibsanayo Codadka AqalkaHoose.

Dhinaca kale, Ergayga Garaka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxa uu ku baaqay in la dedjiyo U-diyaar-garowga U Codeynta Kuraasta Aqalka Hoose, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuusan jirin waqti la lumin karo.