Turkmenistan oo noqotay Dowladii ugu horreeysay ee mamnuucda Sigaarka.

Madaxweynaha dalka Turkmenistan, Gurbanguly Berdimuhamedow ayaa soo saaray Wareegto lagu mamnuucay Ganacsiga iyo Isticmaalka Sigaarka oo khatar weyn ku ah Caafimaadka Aadanaha.

madaxweynaha-turkeminstanSida lagu soo daabacay Websaytka Wararka ee Chrono-TM, waxa la mamnuucay in Sigaarka lagu iibiyo dalkaasi, iyadoo Ganacsadihii lagu qabto  isagoo goobtiisa Ganacsi ku iibinayo Sigaar lagu ganaaxi doono lacag dhan 1,200 EURO.

Dowladda Turkmenistan ayaa noqotay Dowladii ugu horreysay Caalamka ee laga mamnuucay Ganacsiga iyo Isticmaalka Sigaarka.

Dalka Turkmenistan waxa uu ku yaalla Bartamaha Qaaradda Asia, waxa uu xuduud la leeyahay dalalka  Uzbekistan, Afganistan iyo Iran, wuxuuna dalkaasi ku fadhiyaa dhul masaafadiisu dhan tahay 488,000 oo KM oo isku wareeg ah.

sigaarka