Mid kamid ah Furayaasha Markabkii Titanic oo lacag aan caadi aheyn maanta lagu iibinayo (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta oo sabti ah dalka Britain lagu iibinayaa Furiha qeybtii ay ku xareysnaayeen jaakadaha dabaasha ee Markabkii Titanic ee badda ku degay.

Furahan oo kamid ah waxyaabaha la xasuusto ee ka haray Musiibadii ku habsatay Markabkii Titanic ayaa lagu iibinayaa lacag aad u badan oo gaareysa 35-kun oo Dollar.

Waxaa sidoo kale suuqa la keenay lana iibinayaa sawirka Edward Smith, oo ahaa kabtankii markabkaasi waday, waxaana sawirkaasi isna lagu iibinayaa lacag aad u badan.

Musiibadii qabsatay Markabkii Titanic waxaa ku dhintay dad gaaraya 1,500 qof oo saarnaa, Markanka Titanic ayaa ku degay Koofurta badda Atlantic sanadkii 1912-dii.