La Heystayaal Ajnabi ah oo Burcadbadeeda Soomaalida maanta ay sii daayeen

Illaa 26 la heyste oo ahaa Howlwadeenno Ajnabi ah ee ka soo kala Jeeda dalalka China,  Philippine  iyo India oo gacanta ugu jiray Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu guuleystay in maanta laga sii daayo.

La heystayaashaasi maanta dib u helay Xuriyadooda ayaa in muddo ah Burcadbadeeda waxa ay ku heysteen qeybo ka mid ah Bariga Gobolka Mudug.

Shaqaalahaan ayaa markii Burcadbadeedu Afduubanayeen waxa ay la socdeen Dooni lagu Magacaabo Nihaan -3 oo mareysay Xeebaha Soomaaliya Sanadkii 2012.

Warar Hoose oo Idaacadda Shabelle ay heleyso ayaa sheegaya in Shaqaalahaasi Ajnabiga ah lagu sii daayay Lacago Madax furasho ah.

Ilo lagu Kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Burcadbadeeda ay Madax furasho ahaan uga qaateen  shaqaalahaasi Ajnabiga ah ee ay sii daayeen lacag dhan 3 Million oo dollar.

Waxaa Xusid Mudan in Shaqaalahaasi ay Cadadoodu dhameed illaa 29 La heyste balse mudadii ay gacanta ugu jireen Burcadbadeeda 3 ka mid ahaa ay Geeriyoodeen.