Jamhadda Nasrullaah ee Dalka Yemen Oo Ku Dhawaaqday Inay Ka Baxday Ururka Alqacida.

Kooxda Islaamliga ee Jabhatul Nusra oo aheed farac kamid ah Urur weynaha Al-Qaacida ayaa maanta si rasmi ah hogaanka kooxdaasi shaaca uga qaadeen in ay ka baxeen xariirkana u jareen Kooxda Al-Qaacida uu Hogaamiyo Dr Ayman Al-Zawaahiri.

Abu Mohamed al Julani oo ah Hogaamiyaha Kooxdan ka dagaalanta Siiriya oo mudo sanado badan kadib Muuqaalkiisa maanta Warbaahinta laga arkay ayaa sheegay in ay jareen xariirkii ay la lahaayeen Urur weynaha Al-Qaacida.

Hogaamiyaha Jabhatul Nusra ayaa sidoo kale tilmaamay in magacii hore ee kooxdooda ay badaleen ayna u guureen magac cusub oo ah Jabhat Fatax al Sham.

Hogaamiyaha Kooxda Islaamiga ee Jabhatul Nusra , Abu Mohamed al Julani, ayaa sheegay in talaabadan ay meesha ka bixinayso sababta ay ciidamada ajnabiga ee ay ku jiraan Marayanka iyo Ruushka ay bomb ugu weeraraan