Madaxweynaha “Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumarin kara tacliinta”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho.

Xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, masuuliyiinta Jaamacadaha dalka iyo wafuud ka socota caalamka oo shirka ka qeyb galayey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheraad ah siin doonta tacliinta sare ee dalka. Madaxweynaha oo ka hadlayey waxbarsahadda Soomaaliya ayaa sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxaladdo adag oo soo maray tacliinta dalka haatanna la gaarsiiyey meelo muhiim ah.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayeey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka”

Ugu dambeyntii heshiis iskaashi oo dhanka tacliinta sare ah ayaa gabagabdii soo xiritaanka xafladda shirka, waxaa ku kala saxiixday Jamaacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda International African University ee dalka Sudan .