Magaaladda Hargaysa Ee maamulka Soomaaliland Oo Si wayn Looga Ciiday.

hrgaysa

Magalada Hargaysa Ee  xarunta  Maamulka Somaliland ayaa maanta si weyn looga ciiday, waxaana sallaada ciida lagu tukaday masaajidka Jaamaca, Salaada Ciida ayaa waxaa Dadwaynaha kala Qayb galay madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo sidoo kale garoonka kubada cagta ee Hargaysa.

Salaada ciida ee garoonka kubadda cagta waxaa isigu yimi tobanaan kun oo isgu jira ragg,dumar iyo carruur kuwaasoo aad isigu hambalyaynayay munaasibadda ciida darteed.

Culimadda Somaliland ayaa dadka u Sheegay inay inta aan la tukan ay iska bixiyaan cidii ilowdey sakadda ciida, waxa kale ay Allaah uga mahad celiyeen dadwaynihii garoonka isugu yimi sida bisha barakaysan ee Ramadaan nabadd ugu dhammeeyay.

Waddooyinaka magalada,goobaha lagu sheekayso ayaa sallaada ciida kaddib la camiray, waxaana lagu arkayay dadwayne aad u faraxsan.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa munaasibadda ciida, shacabkiisa u diray dhambaal hambalyo ah wuxuuna illaahay uga baryay inuu ka aqbalo soonka iyo sallaada.