Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo shacabka Garowe Kula ciiday Magaaladda Growe.

camay

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda ciidul Fidriga oo ka dhacday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare Ee magaaladda Growe ee Casimadda Dawlada Puntland.

Xubno katirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe iyo shacab tiro badan ayaa ka qayb galay salaadda ciidda, waxaana halkaasi dadweynaha kula hadlay mas’uuliyiin katirsan dowladda Puntland.

Sheekh Maxamud aw-Yusuf oo kamid ah culimaa’uddiinka Puntland, ayaa shacabka faray inay gutaan waajibaadkooda diiniga ah isagoo u Sheegay inay badiyaan sadaqada islamarkaana la is-cafiyo.

Guddoomiyaha gobolka Nugal, Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa goobta ka shaaciyay sharci uu sheegay inay xukuumaddu meel-marisay kaas oo ka hadlaya tahriibka, wuxuuna sheegay in qofkii lagu qabto isagoo arrintaasi faraha kula jira lagu qaadi doono xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay 3-sano, halka uu tilmaamay in hantida lagala wareegi doono.

Islaan Ciise Islaan Maxamed, ayaa shacabka muslimiinta ah u diray hambalyo ku aadan maalinta ciidda, wuxuuna shacabka Somaliyeed ALLE uga barayay inuu dhibka ka dulqaado, wuxuuna ku Sheegay in la joojiyo colaadda ka dhex-taagan beelaha wada daga gobolka Sool.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka hadlay colaadda gobolka Sool, wuxuuna ugu baaqay in arrintaasi ka waantoobaan, isagoo sheegay inay adagtahay xakamaynta colaadda labada beelood oo xusay inay yihiin dad muddo dheer ood-wadaag ahaa.

Camey, ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka Puntland, wuxuuna EEBBE ka baryay in sannadkan kiisa kale ku gaarsiiyo nabad-galayo.

Maanta oo Arbaco ah ayaa dunida muslimka ah si weyn looga ciiday, waxaana magaalada Garowe laga dareemayay xuska ciidul Fidriga.