Fannaanka caanka ah ee Farxaan Xidig oo CID-da Hargeysa loogu xiray arrin siyaasadeed.

farxaan xidigFannaanka caanka ah ee Farxaan Xidig oo CID-da Hargeysa loogu xiray arrin siyaasadeed.

Fanaanka caanka ah ee Farxaan Xidig ayaa muddo dhowr cisho ah ku xiran Magaalada Hargaysa, waxaana lagu heystaa arrimo la xidhiidha qadiyadda Somaliland oo sida lagu soo eedeeyay uu falal ka dhan ah madax banaanida Somaliland uu ka abaabulay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal,

Hoobal Farxaan Xidig ayaa ku xiran xarunta denbi baarista CID-da Magaalada Hargaysa, waxaana la filaaya in Maxkamad la horkeeno.

 

Farxaan Xidig ayaa ah Fannaan muddo ku dhexjira suugaanta, wakhti badanna wuxuu deganaa dalka Ingiriiska, laakiin dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ayaa siweyn loogu dhex arkaayay dhaq dhaqaaqyo la xiriira dhinaca siyaasadda, isagoo u hanqal taagaya ka mid noqoshada Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya.

Ololahan uu Farxaan Xidig ugu jirto noqoshada Xildhibaan Soomaaliyeed iyo sidoo kale arrimo kale oo qaddiyada Somaliland la xiriira ayaa lagu heystaa Fannaanka, waxaana xusid mudan in uu kasoo jeedo Boorame.