R/W David Cameron oo Is-casilay kana hadlay go’aanka reer UK .

David CameronR/W David Cameron oo Is-casilay kana hadlay go’aanka reer UK.

Ra’isul wasaaraha Britain David Cameron ayaa ku dhowaaqay inuu is-casilay kadib markii Britain ay u codeysay inay ka baxdo Midowga Yurub.

Ra’isul wasaaraha Britain David Cameron ayaa go’aanka is casilaaddiisa ah waxa uu ka jeediyay aqalkiisa Downing Street hortiisa kadib markii lagu dhawaaqay natiijada aftidii shalay ka dhacday waddanka.

Cameron waxa uu sheegay in shaqo ay kaga dhantahay wakhtigii koobnaa ee uu lasoo shaqeeyay Xukuumada Britain, waxa uuna shacabka Britain ka dalbaday inay la sii shaqeeyaan kan isaga ka danbeyn doona dhanka maamulka.

Cameron wuxuu sheegay in uu isku dayi doono in Britain uu ka saacido wax waliba oo ay uga baahdaan isaga oo bogaadiyay xil ka dagistiisa iyo soo dhaweynta.
Waxaa kamid ahaa hadalkiisa Cameron ”Dadka British-ka ah waxay qaateen go’aan cad, oo ah inay raacaan waddo kale, sidaas darteedna dalka waxa uu u baahan yahay hoggaan cusub oo dhinacaas u jiheeya”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa in hoggaan cusub uu talada dalka la wareegi doono bisha October ee sanadkan.

Duqii hore ee magaalada London oo ka tirsan isla xisbiga Cameron ee Muxaafidka ayaa waxaa lagu wadaa inuu bedeli doono Cameron.

Is casilaada Cameron ayaa dareen gaar ah ku abuurtay Caalamka waxa uuna Cameron ballan ku qaaday in wixii dhankiisa ah la shaqeyn doono maamulka cusub.