Midowga Yurub oo shir deg deg ah ka yeelanaya go’aanka Britain ay uga baxeen Ururkaas..

EU-flagMidowga Yurub oo shir deg deg ah ka yeelanaya go’aanka Britain ay uga baxeen Ururkaas..

Madaxweynaha golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, waxa uu sheegay inuu doonayo in la dedejiyo billaabidda wadahadallada Britain ay uga bexeyso midowga Yurub.

Mr Juncker waxa uu tilmaamay inaysan macno sameyneynin in la sugo illaa ra’iisul wasaare David Cameron uu xafiiska banneeyo, kaas oo sheegay inuu xilka ka degayo kadib markii looga adkaaday aftidii khamiistii.

Mid kamid ah ragga ugu cadcad ee loo maleynaayo inuu badalidoono Cameron, oo ah duqii hore ee magaalada London Boris Johnson, waxa uu sheegay inaysan degdeg ku jiro u diyaargarowgooda ay uga baxayaan EU.

Cawaaqibta ka dhalatay codeynta ayaa weli laga shaqeynayaa, wasiirada arrimaha dibadda ee lixda dal ee aasaastay EU maanta ayey kulmayaan.

Wasiiradaasi waxaa la filayaa inay kawada xaajoodaan mustaqbalka midowga.

Laakiin wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, Frank-Walter Steinmeier, waxa uu saaxiibadiisa uga digay inaysan ka aargudan Britain.

Waxa uu sheegay in Yurub ay tahay inaysan ku kicin waxyaabo lab lakac ah, balse ay diiradda saarto xallinta baahida dadkooda.

Dhanka kale, madaxweynaha dalalka isticmaala lacagta euro-ga, Jeroen Dijsselbloem, waxa uu sheegay in hay’adaha maaliyadda ee Britain galaangalka ay ku leeyihiin suuqyada EU aad loo xakameyn doono.

Mr Dijsselbloem waxa uu TV laga leeyahay Netherlands u sheegay in qaar kamid ah suuqyadaasi laga soo raridoono magaalada London.

Britain ayaa Khamiistii u codeysay inay ka baxdo midowga Yurub, kaddib afti laga qaaday shacabka UK.