XildhibaanKa Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Kanada ku jira oo Wasiiradooda Arimaha Dibada WX ka waydiiyey Mowqifka Canada ee Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

xildhibaan CanadaXildhibaanKa Soomaaliyeed ee Baarlamaanka Kanada ku jira oo Wasiiradooda Arimaha Dibada WX ka waydiiyey Mowqifka Canada ee Xerada Qaxootiga Dhadhaab

MP Axmed Xusseen ooka tirsan Baarlamaanka Canada ayaa walaac ka muujiyey qorshaha ay Dowlada Kenya ku doonayso iney xirto Xerada QXootiga Dhadhaab.

Xildhibaanka ayaa Wasiirad ka tirsan Xukuumada Kanada wuxuu waydiiyey kana codsadey in Baarlamaanka laga hor cadeeyo Mowqifka Dowlada Canada ee go’aanka Dowlada Kenya.

Wasiiradu waxay sheegtey in loo baahan yahay in la ilaaliyo amaanka Qoxootiga, iyadoo raacisey in qodobkaan uu yahay mid caalami ah.