Madaxwayne Erdogan oo Qorshe hore muran uga dhaliyay Turkiga soo celinaaya.

Recep_Tayyip_Erdoğan_June_2015Madaxwayne Erdogan oo Qorshe hore muran uga dhaliyay Turkiga soo celinaaya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u soo nooleynayo qorshe muran dheliyay oo lagu dayac tirayo isla markaana isbadal lagu sameynayo fagaare ku yaala bartamaha magaalada istaanbuul.

Qorshahani oo dowladda ay damacday in ay ku dhaqaaqdo muddo haatan laga joogo saddex sano ayaa waxaa ka dhashay dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhan ah dowladda.

Siddeed qof ayaa lagu dilay rabshadahaasi ka dhashay qorshaha laguy dhalan-rogaya fagaaraha Gezi, waxaana sidoo kale xabsiga loo taxaabay kummanaan qof.

Isbadalkan la qorsheynaya ayaa waxaa ka mid ah in halkaasi laga dhiso masjid weyn iyo xeryo ciidan oo loo ekeysiinayo kuwoo ciidamadii dowladdii Cusmaaniyiinta oo halkaasi ku yiili jiray.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegaya in mashruucani uu muhiim u yahay si dib loogu muujiyo taariikhdii Cusmaaniyiinta.