Guddiga gurmadka abaaaha Puntland oo maanta qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira Puntland (Dhageyso).

gudiga abaaraha PuntlandGuddiga gurmadka abaaaha Puntland oo maanta qeylo dhaan ka muujiyay abaaraha ka jira Puntland (Dhageyso).

Guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda Puntland ayaa sheegay in weli qeybo badan oo kamid ah gobolada Puntland ay ka jirto abaar darran, taasoo halis keeni karta haddii ay sii socoto.

Maareeyaha hay’adda maaraynta masiibooyinka Cabdulaahi Ceyrow oo kamid ah guddiga abaaraha ayaa sheegay inay xukuumada Puntlad ugudbiyeen qeylo dhaan ku saabsan abaaraha, wuxuuna  sheegay in loo baahan yahay in shacabku ka qeyb qaato gurmadka abaaraha.

Madaxeynaha dowladda Puntland ayaa khamiistii ku baaqay biyo dhaamis degdeg ah iyo roobdoon, kadib markii uu shirka gollaha wasiirada ka sheegay in xaalad abaareed oo aan la dhayalsan Karin ay kajirto Puntland.

Halkaan ka dhageyso Cabdullaahi Ceyrow