Siyaasi Tarsan oo DFS ku eedeeyay fashilka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe..

TarsanSiyaasi Tarsan oo DFS ku eedeeyay fashilka dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe..

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ku fashilantay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiye hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la timid waxqabad xumo ku aadan dhismaha labada gobol oo uu sheegay in ay hada gacanta ka taagatay dowladda Soomaaliya ka dib markii ay ku fashilantay.

Maxamuud Axmed Nuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliy ay hada isku dayeyso in ay dhismaha maamulka ay ku wareejiso IGAD si ay u dhisto madam dowladda ku fashilantay .

Waxaa uu sheegayin dowladda looga baahanyahay in ay iska xilsaarto dhismaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo aad u dheer ku howlan dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.