Xassan Sheekh oo xeer Madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii hanaanka Doorashada

Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay in uu xeer madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii hannaanka doorashada kadib markii ay ku adkaatay in ay baarlamaanku ansixiyaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanka ay ku adkaatay in ay arintaas go’aan degdeg ah ka gaaraan, sidaas darteedna, isaga oo ka ilaalinaaya kala qaybsanaan hor leh oo soo foodsaarta umadda Soomaaliyeed iyo niyadjab ku yimaada Beesha Caalamka, in uu xeer madaxweyne ku ansixiyey heeshiiskii hannaanka doorashada, iyada oo aan loo baahan doonin ansixinta baarlamaanka.

Arintaan ayaa maalmihii u danbeeyey ka aloosnayd magaalada Muqdisho, iyada oo Puntland iyo Jubbaland ay diideen in wax ka beddel cusub lagu sameeyo heshiisyadii la gaaray, halka qaar ka mid ah baarlamaanka iyo mas’uuliyiinta dawladdu soo jeediyeen in xubno dheeri ah aqalka sare loogu daro gobolka Banaadir.

Go’aankaan uu Madaxweyne Xassan qaatay ayaa u muuqda cadaadis kaga yimi Beesha Caalamka, lama se oga jawaabta iyo tallabada ay ka bixin doonaan xubnihii baarlamaanka ee heshiiskaan diiddanaa.