Madaxda Soomaalida oo ka xaajoonaaya in Gobalka Banaadir xubno loogu daro aqalka sare

Muqdisho(Puntland Post)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa ka socda fadhiyo aan loo kala kicin oo ay leeyihiin Madaxda Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Maamulada ka jira Dalka, kaas oo lagaga hadlaayo sidii xubno dheeri ah loogu dari la lahaa aqalka sare Gobalka Banaadir oo ay maalmahan qaylo dhaan kasoo yeeraysay.

Kulamadan oo ah kuwo si aada la iskugu khilaafsan yahay ayey qaar kamid ah Madaxda sare ee Dawlada Soomaaliya donayaan in xubno hor leh loogu daro Gobalka Banaadir aqalka sare, waxaase arinkan si aada uga biyo diidsan xubno ay Madaxda Puntland kamid yihiin oo diidan in wax ka badel lagu sameeyo Heshiiskii Hanaanka Doorashada.

Saaka ayaa mar kale dib loo dhigay kulan ay Baarlamaanka Soomaaliya ka yeelan lahaayeen Heshiiskii hanaanka Doorashada oo ay soo hor dhigi lahaayeen Baarlamaanka Gudiga loo xil saaray arimahan.

Beesha Caalamka ayaa iyaduna si aada u doonaysa inaan waxba laga badelin Hanaanka lagu heshiiyey ee Doorashada si aysan caqabad ugu noqon Doorasho sanadkan Dalka ka dhacda.

Puntland Post