Madaxweynaha Dalwadda Puntland oo kulan gaar ah la qaatay Danjiraha dawladda Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo hawlo shaqo ujooga magaalada Muqdisho  ayaa maanta 22-May-2016 kulan qado sharaf ah la qaatay Danjiraha dalwadda Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya danjire Dayib Dubad Rooble, waxaa kulankaasi uu ka qabsoomay xarunta safaaradda dawladda Jabuuti ay kuleedahay magaalada Muqdisho.

Qadada kadib ayay Madaxweynaha iyo danjiruhu kulan gaar ah kuwada qaateen xafiiska danjiraha isla markaana waxa ay kulankooda diiradda ku saareen xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya dawladda Jabuuti iyo dawladda Puntland iyo marxaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya ku jiro.

Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa Madaxweynaha ku ammaanay dedaalka ay dawladda Puntland ugu jirto sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed oo Federaal ah isla markaana lugeheeda isku taagta iyo tanaasulaadka ay Puntland u samaysay sidii arrintaasi looga miro dhalin lahaa.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdiisu ay sii xoojinayso xiriirka saaxiibtino, ganacsi iyo iskaashiga dhinaca amniga iyo la dagaallanka Burcad badeeda ee ka dhexeeya dawladda jabuuti iyo dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in Puntland iyo Jabuuti uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah isla markaana ay dawladiisu diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirkaasi, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, tababarrada ciidanka iyo iskaashiga kaabaayasha dhaqaalaha oo ay Puntland dedaal dheeraad ku bixinayso kobcinta kaabayaasheeda dhaqaalah.