Maraykanka Oo Markab Dagaal U Soo Diray Xeebaha Dalka Yemen.

Saraakiil u hadlay Ciiddanka Maraykanka ayaa sheegay in Markab nooca wax burburiya uu ilaalo ka qaban doono meel ka baxsan Xeebaha Yemen, si Maleeshiyadda Xuutiyiinta looga ilaaliyo Maraakiibta isticmaala Gacan-biyoodka Baab Al-mandab ee K/galbeed ee Yemen.

Markabkaasi oo lagu magacaabo USS Cole  ayaa samayn doona ilaalo uu ka qabanayo Xeebaha Yemen  iyo inuu gelbiyo Maraakiibta, waxayna Tallaabadan ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka dhex aloosan tahay Maraykanka iyo Iiraan.

Sannadkii 2000, Markabka USS Cole waxaa lagu weeraray dooni laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana ku geeriyootay 17 Askar Maraykanka, halka Soddomeeyo kalena ku dhawaacmeen.

Dhinaca kale, Bilowgii isbuucan, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay qarax la beegsadeen Markab dagaal oo Sacuudiga leeyahay oo taagnaa meel ka baxsan Xeebta Galbeed ee Yeman, waxaana lagu dilay 2 ka tirsan Shaqaalaha la socday Markabkaasi.