War Deg Deg ah: Diyaarad uu la socday Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug oo laga celiyay Hawada..

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Diyaarad uu la socday Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka maamulkaasi loo diiday in ay kasoo degto garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado.

Diyaarada oo ka duushay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaano katirsan maamulkaasi kuwaa oo doonayay in ay ku laabtaan magaalada Cadaado.

Sida aan Wararka ku heleyno diyaarada ayaa laga celiyay hawada magaalada Cadaado , waxaana lagu wergaliyay Duuliyaha diyaarada in aysan garoonka kasoo degi karin Diyaaradaasi ay la socdeen Xildhibaanada Galmudug iyo Gudomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka .

Ciidamo katirsan Nabad Sugida maamulka Galmudug oo ku sugnaa garoonka Diyaaradaha ayaa sidoo kale Xildhibaano doonayay in wefdiga la celiyay soo dhaweeyaan u diiday in ay gudaha u galaan garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Amarkan Cadaado in uu kasoo dego Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug loogu diiday ayaa la sheegay in laga bixiyay Madaxtooyada Galmudug oo ka wel welsan in Baarlamaanka ku kulmaan Cadaado ayna doortaan Madaxweyne.