La-taliyihii gaarka ahaa ee amiirka Al-Shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan goballada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in xalay duqeyn lala beegsaday dagaalamayaal Al-Shabaab ah, oo ku sugnaa xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in duqeynta lagu aadiyay iyadoo loo khudbeynayo ciidamo Al-Shabaab ah oo loo diyaariyay iney weeraraan degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 KM u jira magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in la duqeeyay xubno Al-Shabaab ah oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe

Du