Sheekh Shariif iyo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo ka wada-hadalay xaaladda siyaasadda dalka

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa waxay yeesheen wada-hadal khadka taleefanka, iyagoo isla soo qaaday xaaladihii  ugu dembeeyay ee waddanka, iyo geeddi socodka jihada siyaasadeed ee dalka.

Wada-hadalka kadib Sheekh Shariif oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa waxa uu tilmaamay in safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dhacaan dabayaqaada sanadkan 2020-ka iyo bilowga 2021-ka iyo sidoo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Sheekh Shariif ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Ben Fender iyo isaga wada-hadalkoodii ay kusoo dareen Soomaaliya iyo xanuunkan COVID-19.

Dhinaca safaaradda Ingiriiska ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay oo ku aaddan wada-hadalka safiirka iyo Madaxweynahii hore ee Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalka Sheekh Shariif uu soo geliyo Twitter-ka waxaa laga bixiyay faallooyin aad u badan , kuwaas oo dadku ay ku kala ra’yi duwanaayeen, waxaana jiray in qaar kamid ah dadka ka hadlay ay aad ugu dhaliileen Madaxweynahii hore, qodobada wada-hadalka oo ay qeexeen in safiirka Ingiriiska uusan mudneyn in lala wadaago, sida ay hadalka u dhigeen.

Madasha xisbiyada ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ku baheysan siyaasiyiin miisaan culus oo uu kamid yahay Madaxweynahii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud, dhowaan ayaa la filayay in ay yeeshaan hal musharrax laakiin war ay soo saareen ayeey ku sheegeen in ay u joojiyeen go’aaminta arrintaasi xanuunka COVID-19 dartii, balse ay dib mar kale isaga imaan doonaan.
Go’aankaasi waxaa soo dhoweeyay xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in weli dhinaca dowladda uusan jirin xisbi siyaasadeed oo metala, xilli bilo uun ay innaga xigaan doorashada dalka.
Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysaneyso in ay qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay shaki gelinayaan dad badan.