Askar qiratay in ay ka dambeeyeen Afgambi Fashilmay oo lasoo bandhigay

Taleefishinka qaranka ee Venezuela ayaa soo bandhigay muuqaal lagu muujinayo in muwaadiniin Ameerikaan ah ay maleegayeen inay xilka ka tuuraan Madaxweyne Nicolás Maduro oo ay misana geeyaan waddanka Mareykanka.

Luke Denman waxa uu ka mid ahaa 13 qof oo la xiray dabayaaqadii todobaadka. Venezuelana waxa ay sheegaysaa in ay ahaayeen “calooshood u shaqeystayaal” weerrarkoodii hubaysnaa lafashiliyay.

Mr Maduro ayaa badanaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu ku eedeeyaa inuu iskudayayo inuu xoog ku soo galo dalkiisa oo uu isaga xilka ka tuuro.

Mr Trump ayaa bilowgii todobaadkan waxa uu gaashaanka u daruuray in Mareykanku uu arrintaas ku lugleeyahay.

oghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka “ay adeegsan doonto wax walba” oo ay ku xaqiijinayso in raggaasi Ameerikaanka ah ay dib ugu soo laabtaan.

Arbacadii ayaa waxaa muuqaal ku soo baxay, Mr Denman, oo ah 34-jir, kaas oo u muuqanayay inuu sharaxayay sida loogu soo kiraystay inuu dad u dhashay Venezuela ku tababaro Colombia ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Caracas oo uusan la wareegin gacan ku haynta garoonka diyaaradaha si uu u fududeeyo in Mr Maduro dalka looga saaro.

“Waxaan dadka Venezuela gacan ka siinayay inay dib ula wareegaan maamulka dalkooda,” Mr Denman, oo hore uga tirsanaan jiray ciidammada howlgalka gaarka ah ee Mareykanka ayaa u muuqanayay inuu sidaasi leeyahay.

Mr Denman ayaa sheegay in isaga iyo Airan Berry, oo 41-jir ah, uu qandaraas siiyay Jordan Goudreau, oo ah halyey hore oo milateriga Mareykanka ah kaas oo hogaamiya shirkadda Mareykanka ee Silvercorp, si ay howlgalka u fuliyaan.

Venezuela ayaa sheegtay inay dalban doonto in loo soo dhoofiyo Mr Goudreau, kaas oo qirtay inuu howlgalka ku lug lahaa.

Xigasho BBC-Somali