Dowladda Mareykanka oo digniin amni oo cusub ka soo saartay Soomaaliya

War-saxaafadeed ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay  waxaa lagu soo bandhigtay Liiska 35 Waddan oo la sheegay inay Dadka Maraykanka kala kulmi karaan afduub iyo in loo qabsado madax-furasaho.

Qoraalka ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay shalay oo taariikhdu ahayd  bisha April 9-dii ee sannadka 2019-ka waxaa lagu soo bandhigay Tilmaamo cusub oo  dhinaca Socdaalka, oo ku aadan inay dadka Maraykanka la kulmi karaan khataro ay ka mid yihiin Afduub iyo inay  La-haystayaal u noqdaan Dembiilayaasha iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Dalalkaas waxaa ka mid ah; Afghanistan, Algeria, Angola, Bangladesh, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of the Congo, Ethiopia, Haiti, Iran, Iraq, Kenya, Lebanon, Libya, Malaysia, Mali, Mexico, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua New Guinea, Philippines, Russia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Trinidad and Tobago, Turkey, Uganda, Ukraine (bariga Ukraine ee uu Ruushka maamulo, Venezuela, iyo Yemen.

Dhawaan ayaa dalka Uganda laga soo badbaadiyay Haweeney u dhalatay Mareykanka oo la afduubtay waxaana lagu soo daayay Madaxfurasho la siiyay kooxdii afduubkaas geysatay.