La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka oo war kasoo saaray kulanka uu la yeelanayo Kheyre

– La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa ka hadlay kulan la filayo in maanta uu magaalada Washington kula yeesho ra’iisul wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre.

John Bolton waa la-taliyaha gaarka ee madaxweyne Donald Trump ka talo siiya arrimaha la xiriria ammaanka qaranka Mareykanka, waa shaqsi muhiim ah go’aanada siyaasadda dowladda Mareykanka.

Qoraal kooban oo shalay gelinkii dambe uu Bolton soo dhigay bartiisa twitter ayuu ku yiri “Waxaan aad u dhararayaa la-kulankayga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee berri [maanta]”

“Waxyaabo badan ayaan kala hadli doonaa oo ay ka mid yihiin dadaallada is-beddelada amni iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta ballan-qaadyadeenna la xiriira la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika.”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa toddobaadkan Washington u jooga inuu kulamo la yeesho madaxda Bankiga Adudunka iyo hay’adda lacagta adduunka IMF iyo saraakiisha dowladda Mareykanka.