Somalia Iyo Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Iskaashiga Ciidamada + Sawirro

Wafdi ka socday Talyaaniga oo ay hoggaaminaysay Wasiirka difaaca, Elisabetta Trenta uuna qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga, Gen. Enzo vecciarelli,  iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray Muqdisho,iyagoo kulan la qaatay Wasiirka difaaca Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe), wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo xubno kale oo katirsan Dowladda.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dawladood, iskaashi laga sameeyo dhinaca Ciidamada iyo wada shaqeynta labada Wasaaradood ee difaaca.

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir soo jireen ah oo qoto dheer, iyada oo ay dawladda Talyaanigu ay qayb ka tahay dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo hormarinta ciidamada qaranka.