Fiqi: ” Ma ahan wax la aqbali karo in la karaamo tiro Xildhibaan Muuse Suudi” (Daawo Sawirro)

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan baarlamanka Somalia kana mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan dowlada ayaa booqday xarunta Senator Muuse Suudi Yalaxow ee muranku ka taagan yahay oo ku taalla xeradii Marino oo ku taalla degmada Kaaraan.

Xildhibaanka ayaa qoraal dheer ka qoray xaaladda muranka ka taagan guriga uu degan yahay Muuse Suudi ee dowladda hoose ku celisay Danta guud.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Xaajiga uu yahay nin nabadeed oo warrankiisii u bedelay Yaambo, isla markaana aan la aqbali karin in meel looga dhaco, waxaana uu ugu danbeyn sheegay inaysan jirin wax waanwaan ah oo Muuse Suudi lagula jiro.

HOOS KA AHKRISO QORAALKA XILDHIBAAN FIQI

Booqashadaydii Senator Alxaaji Muuse Suudi Yalaxow oo aan barlamaanka Federaalka Soomaaliya ka wada tirsannahay waxey ahayd mid xildhibaanno dhexmartay, dad macrifo dheer oo ehel ah ay wada qaateen, mid xoojinaysa nabadda iyo xasiloonida, la isagana warraystay dhibaatooyinka siyaasad xumada dalka ka socota iyo amni-darrada caasimada ka jirta iyo cidda mas’uuliyadeeda leh.

Senator Muuse Suudi waa nin nabadeed oo warankiisii yaanbo ka samaystay, waa mas’uul ku jira hey’adaha sharci-dejinta dalka, waa oday la yaqaanno, ma ahan wax la aqbali karo in la karaamo darreeyo, haddii dalka sharci aan ahayn qori caaraddii uu ka jiro wax kasta oo la isku hayo halkaas in la isla aado ayaa cid kasta oo caqli leh ku talinaysaa, senatorkuna uu diyaar u yahay, Safaarad dal ajnabi ah ayaan ugu duulayaa hoyga dawlad Soomaaliyeed ay siisay oday Soomaaliyeed haddana ah senetor, una daadinayaa dhiig dad Soomaali ah ayaana uma muuqato go’aan caqli fayow ka soo baxay.

Ciidamada qaranka waxaan ugu baaqayaa in aysan qeyb ka noqon dagaal siyaasadaysan oo shakhsiyaad cuqdadaysan maankooda ka soo baxay, kama mid ahan waajibaadkooda qaran in ay ku duulaan dad mas’uuliyiin ah hoygooda iyo sharafkooda.

Shabaab ayaa u baahan dagaal iyo dil, waxey heystaan dhul baaxad weyn oo Soomaaliyeed, ayagaa u baahan in khatartoodana dalka laga wareejiyo dhulka kumanaan kilomiter ah ee ay heystaana laga xoreeyo, ma ahan guriga Senaor Muuse in ciidamada qaranka lagu marin habaabiyo.

Waxaan idinla wadaagi doonaa faahfaahinta arrinta guriga Xaaji Muuse la xiriirta oo dhamaystiran, mana jirto waanwaan iyo cid heshiis ugu timid sida uu noo sheegay senatorka.