Wejigii labaad ee dhismaha dekeda Garacad oo bilaabanaya (Daawo Sawirro)

Gaadiid xamuul ah oo sida qaar ka mid ah qalabkii lagu bilaabi lahaa wajiga labaad ee dhismaha dekadda Garacad ee Gobalka Mudug ayaa gaaray dekedaas

Waxaa la soo afmeeray wajigii koowaad ee dhismaha dekeda, iyado haatan loo gudbayo dhismaha gunta hoose ee badda.

Dekedda laga dhisayo Garacad ayaa la qorsheeyey in dhererkeedu noqdo 636m iyo ballac gaaraya 50m, waxaa hoos loo qodi doonaa 11.5 illaa 14.5m, iyadoo mashruucan ay ku baxeyso lacag gaaraysa 40 milyan oo dollar, waxaana dhismaheeda qandaraas lagu siiyey shirkad laga leeyahay wadanka Turkiga.

Ku dhowaad saddex sano ayuu qaadan doonaa  in lasoo afjaro dhismaha dekeda Garacad oo lagu dhisayo dhaqaale ay iska ururiyeen ganacsatada Puntland.