QM iyo Somalia oo ay mar kale ka tafan tahay (Warqad xasaasi ah oo loo diray DF)

 Xafiiska Taageerada QM ee Somalia ee UNSOS ayaa cabasho u gudbiyey wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaga oo sheegay in beegsi ula kac ah iyo dhibaateyn lagu hayo shaqaalaha howl-galka QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

Warqad loo diray wasaaradda, oo ay heshay saxafaada, ayaa UNSOS waxa ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay xadgudubyo joogto ah ku hayso heshiiska howl-galka QM iyo Soomaaliya ee loo yaqaan SOMA.

QM ayaa ashtako ka muujisay in kulamo dhowr ah oo la doonayo inay isugu soo dhowaadaan labada dhinac islamarkaana wada-shaqeyn wanaagsan ku yeeshaan oo dhex-maray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo madaxa USOS Lisa Filipetto aysan wax miro-dhal ah sameyn, islamarkaana ay soo baxayaan dhibaatooyin sii xoogeysanaya oo lagu hayo shaqaalaha QM ee Soomaaliya.

Warqadda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha QM ee Soomaaliya ay wajahayaan dhibaatooyin la xiriira xagga socdaalka iyo canshuurta oo si joogto ah loogu gaysto, kuwaas oo ay tahay inaysan marin, sida ku cad heshiiska UNSOS.

Waxyaabaha QM ay ka cabaneyso ayaa waxaa ka mid ah in shuruudo lagu xiro aqoonsiga dokumentiga safarka QM ee loo yaqaan United Nations laissez-passer (UNLP), iyo in shaqaalaha aan haysan UNLP ee Soomaaliya imanaya loo diido dal-ku-galka. QM waxa ay sidoo kale sheegtay in shaqaalaheeda loo diido fiisooyinka u ogolaanaya inay dhowr mar dalka soo galaan kana baxaan (Multiple Entry).

Warqadda ayaa wxaa sidoo kale lagu sheegay in si joogto ah shaqaalaha QM loo weydiiyo canshuur laga qaado dakhliga soo gala, taasi oo ka reeban shaqaalaha caalamiga ah, sida ay sheegtay QM iyo ganaaxyo lacageed oo culus oo la dul-saaray shaqaalaha kasoo daaha inay cusbooneysiiyaan kaarka fasaxa shaqada Soomaaliya (Work Permit).

Canshuuro la dul-saaro alaabahaa QM ee loo sido dowlad goboleedyada Soomaaliya, ayaa sidoo kale qeyb ka ah cabashada QM.

Dhammaan cadaadisyadan, ayay sheegtay QM, inay ka dhashaan in shaqaalaheeda iyo qandaraaslyadaasha la shaqeeya lagu xanibo ama muddo kooban ay xabsi ku galaan garoonka diyaaradaaa Muqdisho.

Warqadda ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ka dalbatay in arrintan uu baraitana ku sameeyo, kalana hadlo hay’adaha iyo wasaraadaha ku lugta leh.

Cabashada QM ayaa imanaysa ayada xiriirka labada dhinac uu aad u xumaaday kadib markii dowladda Soomaaliya ay 1-dii Janaayo ee sanadkan Soomaaliya ka cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Hoos ka aqriso warqadda loo diray wasaaradda arrimaha dibedda