Qof Soomaali ah oo jinsiyad kale heysta, madax heerkee ah ayey tahay inay ka noqdaan dalka ?

Qof Soomaali ah oo jinsiyad kale heysta, madax heerkee ah ayey tahay inay ka noqdaan dalka ?

  

Sida aan wada ognahay labada xafiis ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raisul wasaaraha waxaa hogaamiya xilligaan labo mas’uul oo labadooduba heysta jinsiyado waddamo kale.

Markii Ra’isul Wasaare Khayre yimid dalka Norway seddex maalin ka hor ayey #NorwayinSomalia tweet garaysay sawirka hoos ku jira waxayna yiraahdeen “ waxaa kulmay labo Raisulwasaare oo labadooduba Norweejiyaan ah, waxayna yeesheen shir heer sare ah”! Waa yaab.

Waa run RW Khayre waxa uu heystaa jinsiyadda Norway oo uu sanado badan deganaa wadankaas, hadaba markuu Raisul wasaaraha dalka noqday Khayre isagoo jinsiyad kale heysta oo weliba safaaraddii wadankaasi wadankeenna u fadhidana ey sidaa wax u qortay maxaa dareenkaadu ku tusayaa?

Arintani waa arin aan ku ekeyn PM Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ee waa arin ay la qabaan wasiiro iyo Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo madaxda goboleedyada qaar ka mid ah.

Hadaba qofkaan labada jinsiyadood lehi, middee ayuu kalsooni buuxda u hayaa qaasatan markii uu dalkuu u dhashay iyo kan uu muddada ku noolaa ay xiriiro heer dowladeed yeelanayaan? Keebuuse shaqsigaasi uu kalsooni buuxda u muujinayaa isgoon looga shakin inuu dhinac u xaglinaayo?

Dastuurkii Soomaaliya ee 1960ki ayaa waxaa ku qornaa qodob u diidaya inuu Madaxweyne dalka Soomaaliya ka noqdo shaqsi Soomaali ah oo isagu leh Xaas ajnabi ah, kana mamnuucayo Madaxweynaha muddada uu xilka madaxweyne hayo inuu guursado marwo ajnabi ah.

Waagaana ma jirin cabsi ah in qof Soomaali ah oo heysta jinsiyad kale uu madaxweyne dalka ka noqdo. Qodobkaasi waa kan 71aad ee dastuurkii 1960, hadaba maanta oo ay Soomaalidu meelo badan degeen oo ay weliba jinsiyaddooda qaateen maxaa nala gudboon? Ma sida ay hadda wax yihiin ayaan wax ku wadannaa mase waxaa loo baahan yahay qodob dastuuriya oo cadeynaya waxa ka mamnuuca ah qofka jagooyinka sare dalka ka qabanaya sida Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha dalka.

Inta aan xasuusto, cayaartoyga caanka ah ee George Weah oo dhowaan loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo dalka Liberia, ayaa la sheegay inuu heystay jinsiyad Faransiis ah oo uu qaatay markii uu dalkaas deganaa, waxaana la sheegay inuu dhalashadaas celiyay markii uu xilkaas ku guulaystay. Waxaanaba u sharci ah wadamo badan oo Yurub amaba reer Galbeedka u badan in xattaa haddii uu qofku qabanayo xil wasaaradeed uusan lahaan karin jinsiyado kale annagana saraakiisha ciidamada iyo shaqaale sare ayaa leh jinsiyado wadamo kale oo lagu aaminaa xilal aad u nugul.

Hadaba maxaa noo xal ah?

Si looga hortago wax kasta oo kalsooni darro nagu ridi kara oo aan uga shakin karno hufnaanta madaxdeenna, anigu waxaan qabaa in la helo sharci arintaan saxa oo weliba aan u ogolaan qof labo jinsiyadood leh inuu dalka madax ka noqdo illaa uu celiyo jinsiyadda kale. Ma qabo inay qurux badan tahay waxa ay qortay safaaradda Norway ee Soomaaliya ee waa inaysan soo noqon oo aanan arkin berri safaarad kale oo sidii safaaradda Norway sheegi weyda in Raisulwasaaruhu yahay yahay Raisulwasaaraha Soomaaliya.

Soomaaliyey yaan la fududeysannin waxaan oo kale ee weliba ha laga shaqeeyo inta aysan dhammaan xilliga dowladda Farmaajo in la meel mariyo sharci qeexaya arintaan si aanan loo arag middaan mid la mid ah.

W/Q Abdihakin Ali Asir