Saraakiil Ciidan oo loo xiray Qaraxii uu ka badbaaday Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ayaa wada howlgalo xoogan oo amaanka lagu xaqiijinayo kadib qarax shalay ka dhacay fagaare kuyaala magaalada Adis Ababa uu ku sugnaa Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya.

Howlgalo ciidamada gaarka ah ka sameeyeen magaalada Adis Ababa ayaa lagu xiray saraakiil iyo ciidamo katirsan booliiska Itoobiya, waxaa sidoo kale qaraxaasi loo xiray dad shacab ah oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen.

Saraakiisha loo xiray qaraxii uu ka bad baaday Ra’isul Wasaare Abiy Axmed waxaa kamid ah Taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Itoobiya iyo saraakiil kale, kuwaa oo loo heesto in ay dayaceen shaqadooda kana hortagi waayeen qaraxa.

Laamaha dambi baarista ayaa sidoo kale su’aalo weydiinaya dad kale ay haween ku jiraan kuwaa oo laga qabtay halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana dadkan lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen qaraxa bambaano.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale amartay in hawada laga saaro Telefishino kuyaala dalkaasi, waxaana ciidamada amaanka wadaan howlgalo balaaran oo lagu xoojinayo amaanka laguna soo qab qabanayo dad lagu tuhmayo qaraxii shalay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku sugnaa fagaaraha uu qaraxu ka dhacay, waxaana ciidamada ilaalada gaarka ah si deg deg ah uga saareen goobtaasi Ra’isul Wasaare Abiy Axmed isaga oo bad qaba.