Midowga Europe Oo Ka Digay In Khilaafka Khaliijka Uu Saameeyo Deganaanshaha & Nabadda Somalia

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondus ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu dhawaan siiyey Laanta Afka Carabiga ee Idaacadda BBC-London, wuxuuna tilmaamay in Khilaafka Khaliijka uu sii ololinayo Deganaansho La’aanta ka jirta Bariga Afrika.

Waxa uu intaasi ku daray in Xiisadda u dhexeeysa Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalal kale ay minjixaabinayso dadaalka Nabadda ee Somalia, South Sudan iyo  meel kasta oo ka tirsan Bariga Qaaradda Afrika

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Europe ugu qaabilsan Geeska Afrika Alexander Rondus waxa uu shaaciyey in Khilaafka Khaliijka uu saamayn toos ah ku leedahay Geeska Afrika, isla markaana ay horseeday Xiisadaha ka taagan gudaha Somalia.

Sarkaalka ka tirsan EU-da waxa uu tilmaamay in mid ka mid ah Hadafyadda Midowga Europe tahay sidii hubaal looga dhigi lahaa in Geeska Afrika laga badbaadiyo in Dabeecadda Siyaasadeed ee ka taagan dalalka Khaliijka loo soo wareejiyo.

Waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsaday inuu Khilaafka Khaliijka ee Geeska Afrika yahay qoddob weyn oo Istaraatijiyad ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Khilaafka Khaliijka uu si fudud u wiiqi karo dhamaan dadaalladda lagu doonayo in lagu xaliyo Xiisadaha Gaarka ee dalalka Somalia iyo South Sudan.