War deg deg ah: Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo Warqad Xasaasi ah Villa Somalia usoo diray Balse la siiyay Jawaab uusan fileynin

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Madaxda Dowlada Federaalka ka codsaday inay ka hortagaan kulamada shaqsiyaadka mucaaradka Jubbaland ku qabsanayaan magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho ka wada Kulamo ka dhan Madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoona doonaya inay la wareegaan Maamulka Jubbaland oo ay u arkaan inuu ku jiro gacan kali talisnimo ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Warqad uu u soo qoray Madaxtooyada Soomaaliya ku dalbaday kulamada ka dhanka ah Maamulkiisa inay ka hortagto dowlada ama Maamulka Jubbaland inay u qaadan doonaan mid ay gar wadeen ka tahay Dowlada.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku gacan seertay codsiga ka yimid Axmed Madoobe iyadoo loo cadeeyay in Dowlada Federaalka ay u siman yihiin Siyaasiyiin Mucaaradka iyo Muxaafadkau ah Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan la ogeyn talaabada uu qaadi doono mar hadii uu ku hangoobay qorshaha uu doonayay inuu kaga hortago abaabulka ka dhan ka ah maamulkiisa ee ka socda Muqdisho.