Khilaafka Madaxda Galmudug Oo Xoogeystay & Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Hadlay

Kadib markii Maanta uu dib ugu laabtay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey Magalada Cadaado ayuu sheegay in la marin habaabiyey heshiiskaas.

Waxa uu sheegay in dib u heshiisiintii ka dhexeysay Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna sidii loogu talo galay lag booday,isla markaana taasi ay dhalisay kala fikir duwanaansho Madaxda Sare e Galmudug ah.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Madaxda Dowladda iyo kuwa Beesha Caalamka ay isku dayeen in khilaafka jira la xaliyo balse ay ku guul dareesteen,waxa uuna sheegay in sidoo kale laga booday habka awood qeybsigii ku jiray heshiiskaas.

doono in qodobadii heshiiskaas laga boodo,Cadaado waa xaruntii Baarlamaanka Galmudug,runtii waxaa ii muuqato in Dastuurkii Galmudug ee lagu heshiiyey laga booday,waxana la doonayaa in Wasiiro aan la iskala tashan la magacaabo balse anaga ma aqbali doono wax aanan talo ku laheyn ayuu yiri Maxamed Xaashi Carabeey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka mid ah Xubnaha dhaliilsan Siiyaasada Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,isla markaana garab taagnaa Maanta Madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilligii uu sheegayay in la la marin habaabiyey Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.