WAR DEG DEG AH oo naga soo gaaray magaalada Buuhoodle & Shacab careysan oo Wadooyinka xiray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo banaanbax-weyn oo ay soo qabanqaabiyeen shacabka magaaladaas, waxaana ay uga hadlayaan sidda ay uga soo horjeedaan duulaanka maamulka la baxay Somaliland ay ku soo qaadeen gobalka Sool.

Shacabka ayaa ilaa hadda muujiyey dareenkooda, waxayna sheegeen in aad uga soo horjeedaan waxa socda oo ay taageersan yihiin gulufka Milateri ee ciidamada dawladda Puntland ay wadaan oo ay soo dhaweynayaan.

Masuuliyiin katirsan dawladda Puntland ayaa lafilayaa in ay shacabka la hadlaan, waxaana wararku sheegayaan in xaaladdu kacsan tahay.