SAWIRRO: DALLADA QURBA JOOGTA PUNTLAND EE YURUB PEDAN OO KU SOO DHAWAYSAY MADAX WAYNE DR GAAS GAGIDA DIYAARADAHA DALKA FINLAND

21 May 2017 (Puntlander) Dalada midawga ururada iyo jaaliyadaha dagan qaradan yurub una dhashay Puntland ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan PEDAN ayaa maanta soo dhawayn diiran kala hortagtay Madaxwayne Dr Abdiwali Gaas oo kasoo dagay gagida diyaaradaha ee ugu wayn dalkan finland.Madaxweynaha ayaa kasoo degay qaybta VIP kulana kula qaatay Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub Faraceeda Finland.

PEDAN oo ah bud dhigaha imaansha madax waynaha ayaa isu abaabushay soo dhawayn leh qiimo sare oo aan loo kala harin jaaliyada dagan Finland.Aqoon yahano,culimadii diinta,dhalinyaro leh wiilal iyo gabdho,rag iyo dumar waxay caleemo qoyan la taagnaayeen marxabaynta iyo soo dhawaynta Madaxwaynaha Dr Abdiwali Gaas. PEDAN waxay ku faraxsantahay in madaxwaynihii si nabd galyo ah uugu yimid,halkaasoo markiiba ay u gudbiyeen Minin kamid ah hooyga lagu marti qaado madaxda leh maamuus gaara ee kasocda dawladaha aduunka ku waas oo boqosho u yimaad dalkan Finland.

Madaxwayne Dr Gaas waxa uu u yimid dalkan arimo la xariira labada dal Puntland iyo Finland oo shaqo.wixii intaa dheer waxay PEDAN idiin balan qaadaysaa in ay idiin soo gudbiso wararka la xariira booqashada madaxwaynaha puntland ku yimid finland.
Daawo sawirradda.


1 274 26

10 17

11 17

12 18

13 18

14 17

15 17

16 17

17 16

18 16

19 7
Puntlandes.com

19 7