Xildhibaan Maxkamada Sare u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Jubbaland kana mid ahaa labadii Xildhibaan ee laga musaafuriyay Magaalada kismaayo ayaa ka hadlay Qorshaha u degsan maadaama weli uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Radio Dalsan Muqdisho isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in Xildhibaanada Jubbaland ay jiraan mudo laba Sano ah islamarkaana aysan jirin wax ay ay u qabteen Bulshada Reer Jubbaland.

Waxa uu sheegay in sababaha ugu weyn ee looga hor istaagay in uu ka hadlo dhaliilaha Jubbaland ay tahay in uu doonayay in uu soo bandhigo dhibaatooyinka iyo waxqabad la’aanta ka jirta Jubbaland