Faalo Siyaasadeed Shaqadda Wasiirku maxay tahay

Asalamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Marka hore Allah ayaa mahad oo idil iska leh. Marka xiga waxaan rabaa inaan wax yar ka faaloodo shaqadda Wasiirka, aqoont iyo waayo arragnimadda lagama maar maanka ay tahay in laga helo shaqsiga hogaaminaya Wasaarad ka mid ah Hay’adaha Dawladda.

Kadib marka Raisal Wasaaraha Dawladda Federalka Somaaliya Mudane: Xassan Cali Khayre ku dhawaaqay golaha Wasiiradda. Somaali fara badan ayaa baraha internet faalooyin kala duwan ka baxshay, wasiir kasta taariikh nololeedkisa, waayo- aragnimadiisa iyo heerkiisa aqooneed aad ayaa loo falan qeeyey. Baraha bulshaddu waxay aad u sahleen in si fudud shacabku fikarkooda u soo bandhigo. Laakin arrin ugu badan ee la isku khalday waxay ahayd: wasiirku inuu aqoon gaar ah iyo khibrad u leeyahay wasaradda loo magacaabay.

Taasi anigu uma arko in ay muhiim tahay, shaqadda wasiirku ma aha inuu isaga noqdo “shiikhal kuli” oo laptop iyo timbaraha wasaradda boorsadda ku wato, qofkii dan ka yeeshana gurigiisa ama hotelka uu xamar ka degan yahay loogu hagaago oo halkaas warqad uga qoro ee waa in wasaaraddu leedahay kaadir aqoon iyo waayo aragnimo leh oo shaqadda wasaradda fuliya halka wasiirku yahay madaxa sare shaqadiisa ugu muhiimsana tahay inuu hormuud u noqdo siyaasadaha wasaaraddu higsaneyso, kaadirka shaqadda fulinaya u fududeeyo tas-hiilaadka ay u baahan yihiin. Dawladdii hadalka ugu badan ee Madaxweyne Xassan Shiikh ku celcelin jirey waxuu “waxaan dhiseynaa Hay’adaha dawladda (Government institutions), tasoo macneheedu yahay wasiirka hadii la bedelo shaqaddu meesheeda waa in ay ka sii socotaa.

Tusaale waxaa inoo ku filan waqtigii Cali Maxamed Geedi Raisal wasaaraha Dawladda ku meel gaarka ahaa in nin oday ah dan uga baahday Raisal Wasaare Geedi, goobta uu ka deganaa Baydhabo ayuu subax hore ugu tegay, dantii u kala lahaa markuu u bandhigay, RaisalWasaare Gaadi-na ka aqbalay, arrinta keliya harsanayd ahayd inuu warqad u qoro ayaa waxaa dhacday in shirar iyo howl kale soo dhex galeen warqadi la rabay inuu Raisal wasaaruhu odayga u qore, waxay ku gaartay saqdii habeenimo inu warqadda dhameeyo meesha hadii ay jirto xafiis iyo kaadir shaqadda fuliya in ka yar warqadda lagu diyaarin lahaa. Mar waa lagama maar maan in ay shaqeeyaan Hay’adaha dawladdu wasiirkuna noqdo madax sare ee degijiya siyaasadda wasaaradda lagu hago. Ka dib kacdoonkii carbeed (arab spring) ee madax badan xilka ku waayeen dalka Tunisia waxay ka mid tahay, dalka keliya ee burbur soo wajihin kadib markii dawladda la riday, waayo hay’adihii dawladdu halkooda ayey shaqadoodi ka sii wateen. Somaliya waa in heerkaas gaarta. Siyaasiyiintu isbedelaan keliya ee shaqadda dawladdu fuliso isbedelin.

Shuruudaha looga baahan hahay shaqsiga wasiirka noqonaya waa inuu wasiirku leeyahay aqoon ilaa heer jamacadeed ugu yaraan, sidoo kale leeyahay waayo aragnimo shaqo iyo mid maamul oo ugu yaraan 10 sano ilaa 15 sano soo maamulay xafiis baxsho adeeg bulsho ha ahaado mid guud ama mid si gaar ah loo leeyahay.  Sido kale wasiirku waa inuu la fikar yahay dhanka jihadda siyaasadda Raisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha si aysan u dhicin khilaaf iyo iska hor imaad siyaasadeed.

Tusaale wasiirka Waxbarashadda shaqaddiisa ugu muhiimsan waa dejin manhaj waxbarasho, isla markaasna dhaqan galiyo manhajkaas, dhisid goobo waxbarasho, Macalimiinta iyo bahda Waxbarashadda u dejiyo tabar iyo qalabkii ay ku fulin lahaayeen manhajka, kormeero sidda manhajku ku baxayo iyo meelaha u baahan in wax laga bedelo. Marka khasab ma aha inuu wasiirka yahay Macalin hore ama bare jamacadeed walow ay ka sii fiican tahay hadiiba la heli karo. Laakin wasiirku ma aha isagu qofka gacantiisa manhajka ku qoraya ama dugsiga la dhisayo naqshadiisa dejinaya. Manhajka khubaro ku xeel dheer ayaa qoraya, waxaana fulinaya macaliinta iyo maamulka dugsiyadda, kaadirka wasaaradduna waxay fududeeyaan sidii manhajku ku hirgeli lahaa, dugsigga cusub ee la dhisayo waxaa naqshadiisa dejiya Injineero iyago raacaya sidda wasaaraddu u rabto.

Markii la falan qeeyey aqoonta iyo shaqooyinka Wasiiradda cusub, shaqsiyadda indha dadku qabanayeen waxaa ka mid ah Amsadoor Yusuf Garaad iyo Abdiraxmaan Bayle. Sidda la wada ogsoon yahay Yusuf Garaad mudo ka badan 13 sano ayuu ahaa Madaxa BBC ee laanta Afka Somaaliga, taaso macneheedu tahay khibrad iyi waayo arragnimo maamul ayuu u leeyahya u wasaradda arrimaha dibadda ku hogaansho. Dhanka kale Cabdiraxman Bayle mudo 25 sano ka badan ayuu Bangiyadda aduunka la shaqaynaayey oo heer maamul ka gaaray, sido kale waxuu ahaa Gudomiyihii Gudiga Doorashaddii ugu dameysay ee dalka ka dhacday.

Waxaan ku soo koobi lahaa sidda ku cad buuga u qorey Siciid Cali Shire ee Hogaamiye, shaqsiga hogaamiyaha ahi waa inuu leeyahay aragti u higsanaayo, waayo aragnimo iyo karti u ku gaaro hamiga u higsanaayo.

Qalinkii: Abshir Siciid Ahmed