Gen. Maxamed Aadam Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxaa Shaadhkiisa loo wasakhaynayaa?!!! Maxaa Burushka Wasakhaysan loola daba joogaa?!!! Xog iyo Faah Faahin sababta+Video.

General Maxamed Aadam Axmed5Gen. Maxamed Aadam Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Maxaa Shaadhkiisa loo wasakhaynayaa?!!! Maxaa Burushka Wasakhaysan loola daba joogaa?!!! Xog iyo Faah Faahin sababta+Video.

Waxa maalmahan weerar culus oo lagu sumcad dilaayo, oo Sharaftiisa iyo Karaamadiisa lagu dhaawacaayo, lagu qaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Aadam Axmed, weerarkaas oo kaga imaanaayay dhinaca Warbaahinta, siiba Websiteyo gaar ah, Facebookga iyo Channelo Youtubeta ah IWM, iyada oo loo samayay

Tuhumo been abuur ah, sida in uu musuq maasuqay Mushaharkii Ciidanka Xoogga Dalka!!! In uu Mushaharkii Ciidanka u leexiyay, oo uu siiyay Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland!! In uu masuul ka yahay ciidanka jid gooyada ka samaystay dhowaan badhtamaha Caasimada, ka dib markii uu musuq maasuqay Mushaharkoodii!!

In uu is casilaayo!! In uu diiday Amarkii Madaxwaynaha!! Iyo Tuhumo kale oo fara badan, oo aynaan halkan ku soo wada koobi karayn! Arintanu sida xaqiiqada ah, waxaa dabada ka riixaaya shakhsiyaad ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, oo uu u cuntami waayay  hadal uu dhowaan Gen. Maxamed Aadam Axmed u jeediyay Saraakiisha

Ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu Amaro dhowr ah oo lagu tayaynaayo Ciidamada Qalabka sida ku soo rogay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo dhamaanba Ciidamada Xooga Dalka, bal se iyada oo Ciidamada Xoogga Dalka ay badankoodu yihiin Maleeshiyadkii u adeegi jiray Dagaal Oogayaashii Caasimada isku hor fadhiyi jiray

Mudada aadka u dheer, ee aynu ka wada dheregsanahay, oo u bartay kuna noolaa mudadaa xaaraam, boob, baad, Jid gooyo, bililiqo, Mooryaanimo iyo xaaraan iyo fowdo oo dhan, oo sidaa ku wada waawaynaaday, way adag tahay in la dhaqan celin karo, oo ay noqdaan Ciidan nadiif ah, oo sharci iyo kale dambayn ku dhaqma, oo u hogaansama

Madaxdooda, sidaas darteed hadalkii iyo amaradii Taliyaha Xoogga Dalka waa u cuntami waayay, isla markiibana waxay bilaabeen, in qaar ka mid ah Ciidamadaasu jid gooyo dhigtaan badhtamaha caasimada, iyaga oo ku andacoonaaya in aanay wax Mushahar ah qaadan mudo ka badan 10 Bilood!! Waxay kaloo abaabuleen Budhcada iyo

Mooryaan Warbaahinta ah, siiba Internetka kuwaas oo ay isku xidhan yihiin Ciidamadaa, kana midaysan yihiin dowlad diidnimo, iyo in Dalku sidiisaa ahaado, waayo sidaas ayay iyaga ugu badisaa, wayna  wada shaqaystaan, waana kuwii Mooryaanimada, booliga, bililiqada, boobka, baada iyo xaaraam oo dhan lagu soo koriyay, Wuxuush Dubka Bashar

Uga eg, Waxiskuma falayaal aan waxba ka xaaraansanayn, waxba xeerin, Diin, Dadnimo, Damiir iyo dhaqan toona aanay qaban, siiba kuwa maamula 5tan Website ee kala ah: Caasimada.net, Jowhar.com, Marqaan media, Jubalandnews, Warqaad Press iyo qaar kale oo badan, kuwaas oo  lagu soo saliday si ay u xag xagtaan, oo Burush

Wasakhaysan la daba galaan, si sumcadiisa karaamadiisa iyo sharaftiisa loo dhaawaco, ayaa maalmahanba Taliyaha ka faafinaayay Tuhumo baadil ah iyo Dacaayado raqiis ah, oo ah kuwa aan kor ku soo xusnay.

 

Waa kuma Gen. Maxamed Aadam Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Gen. Maxamed Aadan wuxuu ku dhashay magaalada Burco, gobolka Togdheer, wuxuuna waxbarashadiisa aas-aasiga ee hoose kusoo qaatay dugsiga hoose, dhaxe iyo sare ee  Sheekh.

Waxbarashadiisa Ciidan:

  • Military Academy ( Cairo Egypt )  Kuliyadda ciidamada ee Masar
  • Command and General Staff College (Frunze, Moscow, Soviet Union) – Kuliyadda hoggaaminta ciidamada ee Ruushka.
  • U.S.A Army War college Strategy Studies….. -Kuliyadda dagaalka ee Maraykanka.

Tababarada:

  • Battalion And Brigade Course .
  • Commandos Course… Tababar Ciidamada Kamaandooska
  • Parachute Course….. Tababar ciidamada dalaayadaha ku booda (Baarashuudka)
  • Logistic Course… Tababarka Saadka
  • Political Course…. Tababar siyaasada
  • Political Science Course…… Tababar cilmiga siyaasada

Shaqooyinka uu soo qabtay:

  • Para Commandos Bn (Battalion). Commander (Balidogle).
  • Para Commandos Brigade Commander (Balidogle)….. Taliayihii Ciidamada Kamaandoos ee Balidoogle
  • Division Commander Baledwayne. -Taliyaha ciidamaada qaybta Baladwayne
  • Sector Baidhabo. Taliyaha qaybta 60 naad ee Baydhabo
  • Sector Dusamareb…. Taliyaha qaybta 21 naad ee Dhusamareeb
  • General Directorate of Operations for General. H.Q of Army Forces… -Taliyaha guud ee howlgalinta ciidama qalabka sida
  • Chief of Staff of Somali National Armed Forces… Taliyaha Guud ee Ciidama qaranka Soomaaliyeed

INTERNATIONAL MILITARY EXERCISIES (Dhoolotusyo Ciidan oo Caalamiya)

  • Egypt Somalia joined Exercise… Dhoolotus Ciidankan Xoogga Masar iyo Ciidanka Xoogii Soomaaliyeed
  • Soviet Union Somali joined Exercise.. Dhoolotus Ciidankii Xoogga Midowga soofiyeeti (Ruush) iyo Ciidankii Xoogga ee soomaaliyeed
  • U.S.A. Somali joined Exercise… Dhoolotus Ciidankan Xoogga Maraykanka (U.S.A) iyo Ciidanka Xoogii Soomaaliyeed

CONFERENCES….

Waxaa uu ka qayb galay taliyaha shirar iyo kulamo ay qabatayteen (UN-AU-Arab League-Igad oo xal raadis ahaa)

  • UN Summit and Successions…
  • AU Summit and Successions
  • Arab league Summit and Successions
  • Igad Summit and Successions

Hadaba Gen. Maxamed Aadan Axmed oo aad aragtaan aqoonta Ciidan ee uu xambaarsan yahay, waa ninka ay maanta Soomaaliya u baahantahay, ee dhisi kara Ciidama Qaran, oo dalkeenu yeesho, oo ah tan aynu maanta ugu baahida badanahay, mudadii gaabnayd ee uu xilkaa ku magcaabnaana wax badan baa iska bedelay Ciidamada Qaranka, waana oday

Soomaaliyeed, Aqoonyahan, Shiekh Caalim ah, oo diinteena wax badan ka yaqaan, waa nin wadani ah oo daacad ah, marka ninka intaas oo sifo isku darsaday, waa nin ixtiraam iyo qaderin wayn inaga wada mudan, mana aha in aan ku daawano kuwa xaaraam lagu dhalay,  oo lagu soo koriyay, wax iskuma falayaal Wuxuush ah, oo xag xaganaaya, oo

Sharaftiisa  iyo Karaamadiisa  raba in ay dhaawacaan, waa in aan ka dhiidhnaa, oo qaadnaa jid gooyada ay Mooryaanta wax iskuma falayaasha ahi dhigteen Internetka, oo ay maalin walba ku dhibayaan, oo ku xag xaganayaan Haldoorkii ummadda, hoos ka daawada hadalkii uu Gen. Maxamed Aadan Axmed u jeediyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ee ay qaarkood dhibsadeen.

Halkan ka daawo hadalkii Gen. Maxamed Aadan Axmed:

 

Halkana ka aqriso qaar ka mid ah Tuhumka baadilka ah iyo Dacaayadaha raqiiska ee ay Website yadaasu ka qoreen Taliyaha

Halkan: http://www.jowhar.com/2017/03/12/gadoodkii-ciidamada-milateriga-oo-sabab-u-ahaa-mushraadkooda-oo-meelo-kale-loo-wareejiyay/

Iyo halkan: http://www.caasimada.net/xog-cidda-qaadatay-mushaarka-militariga-oo-la-ogaaday-iyo-ceeb-ka-taagan-villa-soomaaliya/

Weliba halkan:   http://www.jubbalandnews.com/

Iyo halkan: http://www.caasimada.net/taliyaha-militeriga-oo-aan-wali-dhag-jalaq-usiin-amarkii-farmaajo/

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

Almutawaadic@yahoo.com