Maalinta Caleemo Saarka Madaxweyne Farmaajo oo la hakinayo Duulimaadyadii Diyaaradaha

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday  in 22-ka Bishaan oo ay dhaceyso Caleemo Saarka Madaxweynaha la hakin doono Duulimaadyadii Diyaaradaha.

Ku dhawaaqista Go’aankaan ayaa ka dambeeyay si loo sii ogeysiiyo Shirkadaha Duulimaadyada si aysan wax Duulimaad ah ugu tashan Arbacada soo aadan.

Waxaana Duulimaadyada la hakiyay ay isugu jiraan kuwii Dadweynaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah.

Caleemo Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan Madax kala duwan oo Caalamka ka  kala socda.

Maalin ka hor ayey ahayd markii la Magacaabay Guddi Heer Wasiiro ah oo ka shaqeeya qaban qaabada Caleemo Saarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.