Madaxweyne Cosoble oo si rasmi ah u magacaabay gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe (Daawo Sawirro

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa si rasmi ah ugu magacaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo xilkaas si ku meelgaar ah u hayay illaa dabayaaqadii sanadkii hore.

Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa magacaabay xilkan wax yar ka markii uu maanta ku laabtay magaalada Jowhar oo mudooyinkan uu ka maqnaa, waxaana soo dhoweeyey masuuliyiinta gobolka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Sh/dhexe, waxaana uu xilkan maanta loo magacaabay uu si kmg ah u hayey tan iyo markii guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho oo uu sanado badan soo ahaa, waxaana shacabka degmadaas ay ku xusuustaan kaalintii uu ka qaatay nabadeynta iyo horumarinta degmada.

Sidoo kale Axmed Faal ayaa intii uu ka howlgalayey magaalada Jowhar waxaa uu u badan ka qabtay arrimo fara badan oo si weyn loogu amaanay, kuwaasoo ay ka mid yihiin ka hortaga fatahaadaha webiga Shabelle, Nabadeynta beelaha gobolka, soo celinta adeegyada bulshada sida jidadka qaar oo la dayactiray, nadaafada, Caafimaadka iyo kor u qaadida waxbarashada gobolka.

Shacabka gobolka Sh/dhexe sida Odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka, aqoonyanada, ganacsatada iyo qeybaha kale bulshada ayaa soo dhoweeyey xilka Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ee sida rasmiga ah loogu magacaabay Axmed Faal, waxayna balan-qaadeen iney la shaqeyn doonaan, iyagoo ugu ALLE uga baryey inuu la garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.