Diyaarad ay la socdeen Wasiiro iyo Xildhibaano oo si halhaleel ugu degtay Garoonka JKIA ee Nairobi.

Diyaaraddaasi oo ay la socdeen 120 Rakaab oo ay ku jireen 3 Wasiir, 10-Xildhibaan iyo Taliyihii hore ee Hay’adda NISA ayaa la soo sheegay inay si degdeg ah u caga-dhigatay Garoonka Jomo Kenyatta International Airport  ee magaalladda Nairobi, kadib, markii ay cillad farsamo qabsatay.

Saraakiisha Ammaanka iyo Gaadiidka Dab-damiska ayaana heegan la geliyey, markii ay Diyaaradda soo caga-dhigatay Garoonka.

Mid ka mid ah Rakaabka la socday Diyaaradda oo lagu magacaabo  Maxamed Jaamac ayaa sheegy inuu qorshuhu ahaa inay Diyaaraddu ku degto Garoonka Caalamiga ee Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya, balse loo diiday fasax ay ku soo degi karto.

Waxa uu intaasi ku daray inay si toos ah ugu soo duuleen Garoonka Nairobi, wuxuuna xusay in ay cilladu ka timid hal matoor oo shaqeyn waayey.

Si kastaba ha ahaatee, ma ha markii ugu horreysay ee ay Diyaaraddaha Shirkadda Daallo la soo gudboonaadaan Cillado dhinaca Makaanikadda ah.