MAYDKA MADAXWEYNIHII HORE EE PUNTLAND OO HADA BOOSASO LAGA SOO DAJIYEY

Maydka Marxuum Maxamuud Muuse Xirsi Boqor Madaxweynhihii hore Ee Puntland ayaa hada laga soo dajiyey Garoonka diyaradaha ee Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobalka Bari,.

Aaska marxuub Cadde waxaa ka qayb galaya masuuliyiinta ugu saraysa Puntland, madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadwayne faro baddan.

Amaanka Garoonka diyaradaha Boosaso ayaa la adkeeyey iyadoona dhamaan wadooyinka soo gala lagu arkayo Ciidamo Ilaalinaya Amaanka Guud ee Garoonka maadaama masuuliyiin kala duwan ay ka soo qab galayaan Aaska Madaxweynihii hore ee Puntland.

Dhinac kale waxa la sugayaa masuuliyiin ay ka mid yihiin Raysal wasarihii Hore ee soomaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharmaake iyo madax ka socota Maamul Gobaleedyada soomaaliya.

Gen.Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga Dalka, wuxuu soo noqday Maayarka Ceel Afweyn iyo Gudoomiyaha Gobalka Sanaag.

La soco wixii soo kordha insh aalah Puntland Post