Dowladda Kenya oo Ganacsatadda Soomaalida Islii ka doonaysa inay ku taageeraan Doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadka soo socda

Mudanaha Aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa u ololeynayo sidii uu Ganacsatadda Soomaalida ee Xaafadda Islii uga iibin lahaa Ajendada Isbahaysiga Dowladda Kenya ee Jubilee, si ay taageero uga geystaan Doorashadda Madaxtinimadda ee Kenya ka dhici doono 8 bilood kadib.

Aadan Barre Ducaale ayaa la filayaa inuu Qorshahaasi ku soo bandhigo Shirweynaha Labaad ee Ganacsatadda Suuqa islii oo la filayo inuu berrito ka furmo islii.

Siyaasigaasi oo ka soo jeeda Soomaalida deggan W/bari Kenya ayaa la filayaa inuu ka mid nqodo Shir-guddoonka, si uu Ganacsatadda ugu qanciyo inay taageeraan Isbahaysiga Jubilee si loogu guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda ee soo socota.

Ilo ku dhow Mudanahaasi ayaa u sheegay Wargeyska The Star inuu wada-hadal kula jiro Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto iyo xubnaha kale ee Xisbiga si ay uga soo qeyb galaan Shirka Ganacsatadda Soomaalida ee Suuqa Islii.

Dhinaca kale, ugu yaraan 300 Ergo Ganacsato ah ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Shirkooda Sannadlaha, oo la filayo inay uga wada xaajoodaan qaababka loo xoojin karo Maalgashiga, Jawiga Ganacsiga iyo in la soo bandhigo inuu Suuqa Islii yahay Ganacsi sii kordhaya iyo Maalgelinta Ganacsiga Kenya iyo dalalka kale ee Bariga Afrika.