Raggii Maraykanka ee qarxin lahaa Masjid iyo Dhismo ay Somali deggan tahay oo la shaaciyey xilligii la xukumi doono.

Saddexda Eedeysane ee lagu helay inay qorsheynayeen qaraxyo ay ka geystaan Dhismooyin ku yaalla magaalladad Garden ee K/galbeed ee Gobalka Kansas ayaa la sheegay in la soo maxkamadayn doono bisha April 25-da ee sannadka soo socda.

Garsoore Eric Melgren ayaa sheegay in Eedeysanayaasha Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein la soo taagi doono Maxkmaadda Federalka ee ku taalla magaalladda Wichita.

Sida laga soo xigtay  Xafiiska Xeer-ilaalinta Maraykanka, waxaa Eedeysanayaasha lagu qabtay qoryo, rasaas iyo waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku fuliyaan qaraxyo bishii November 9-dii ee la soo dhaafay.