BOSASO:- HAY,ADDA SOVOYODO OO DHALINYARO XIRFAD U ABUURTAY

 

Hay’adda SOVOYODO ee ka shaqeysa arimaha dhalinyaradda Soomaaliyeed ayaa markii 3aad Xirfado shaqo u abuuraysa dhalinyaro 50 ah kuwaas oo isuga jira wiilal iyo gabdho. Xirfadahaan oo ah kuwa kala duwan isla markaana lagu barayno Dawaarka,Korontadda,Shaqo-guri iyo weliba soo dhaweynta ayaa xafladii lagu furayey waxa ay ka dhacday Hotel Tropical ee magaaladda Boosaaso. Masuulyiin ka tirsan Dowladda,Maamulka Hay’adaha SOVOYODO, SOCA,Waalidiin,arday iyo marti sharaf kale ayaa aheyd mid si qurux badan loo soo diyaariyey. Ugu horeyn waxaa lagu furay Ayado quraan ah, ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyay Agaasimaha Hay’adda SOVOYODO Mudane. Cabdiwali Xassan Gooni isaga oo ka hadlay xafladda soo dhaweynta ardayda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta markii 3aad dhalinyaro tiradoodu gaaraysa 50 ay u furaan tababar xirfadaha ah. “ Aad baan ugu faraxsanahay inaad nagala soo qeyb gashaan xafladaan, maantay waxaanu halkaan u joognaa soo dhaweynta qeybtii 3aad oo arday kuwaas oo tiradoodu tahay 50 rag iyo dumar leh, horey sidaan oo kale waxaa tababar iyo shaqo-abuur u sameynay 100 dhalinyaro ah kuwaas oo hadda ka shaqeeya magaaladda Boosaaso, waxaana u mahadcelinayaa Hay’adda USADF oo gacan naga siinaysa barnaamijkaan.” Ayuu yiri Gooni. Sidoo kalena waxaa lagu soo dhaweyay Sahro Cabdiraxman oo ka soctay Hay’adda SOCA oo wadda shaqeyn la leh SOVOYODO taasi oo kula dardaarantay arday cusub inay muujiyaan dadaal isla markaanal a yimaadaan karti ay hadhow ku shaqeystaan, waxa ayna amaan u jeedisay maamulka Hay’adda oo in badna ka shaqeeya arimaha dhalinyaradda. Goobta ayaa waxa sidoo kale ka hadlay arday, tababaryaasha iyo waalidiin kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in maantay qeybtii 3aad la tababarayaal ah ay qaadato Hay’adda SOVOYODO iyagga oo u jeediyey amaan doorka wanaagsan ay ku leedahay shaqo-abuurka dhalinyaradda. Maax Colow Faahiye, Agaasimaha Arimaha bulshadda Dowladda Hoose Bosaaso ahna xildhibaan ka tirsan gollaha degaanka ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey xafladda sheegay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradda helaan fursado shaqo abuur. “SOVOYODO waxa ay qaaday tilaabo wanaagsan, Soomaaliya maantay waxa u baahan tahay dhalinyaro sidaan oo kale dadka iyo dalka ugu shaqeeya, hadii barshadda xirfadaha la badiyo waxaa kordhaya shaqooyinka ay helayaan dhalinyaradda, horey sidaan oo kale 100 dhalinyaro ah ayaa la tababaray isla markaana shaqooyin la siiyey waxaana ku amaanay maamulka Hay’adda iyo cid walba oo gacan ka siisay.” Ayuu yiri Maax Coloow. Ugu dambeyntii xafladda ayaa lagu soo xiray dardaaro loo jeediyey ardayda cusub ee xirfadaha kala duwan baran doonta iyagga oo loo rajeeyay guul, Haya’dda SOVOYODO ayaa sidaan oo kale horey tababaro u siisay dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaray 100 kuwaas oo hadda ka shaqeeya Bosaaso.
Cabdiqani Xassan Dhagjar Bosaaso,Somaliya

img_6629img_6644img_6626img_6702img_6675img_6670 img_6647

img_6636img_6722img_6663img_6737img_6631img_6781img_6688img_6696img_6768