KAALIN SHIDAAL OO MAANTA KU GUBATAY BOSASO

duhurnimo waxaa magaalada Bosaso dab ku qabsaday goob shidaal oo ku taala agagaarka Dekeda magaalada Bosaso, laguna magacaabo Kaalinta Shidaalka ee WALADII oo ka mid ah goobaha Bosaso ku yaala ee dowlada Puntland ka qaadato shidaalka gadiidka.

Goobjooge ku sugnaa goobta ayaa u xaqiijiyay saxafada in uu ka dhashay dabka burbur hantiyeed oo soo gaaray gabi ahaanba goobta dabku qabsaday, iyo dhimayaal kale oo ka agdhaw.

Ciidamada Dabdemiska Dowlada Hoose ee Bosaso ayaa durbadiiba soo gaaray goobta dabku ka kacay, waxayna ku guulaysteen in la bakhtiiyo dabka oo kusii fidi lahaa dhul balaaran.

War sugan lagama hayo sababta dhalisay dabka maanta qabsaday kaalinta Shidaalka WALADII , balse warar madax banaan ayaa sheegaya suurtagalnimada inuu ka kacay korontada ku xirnayd gudaha kaalinta dabku qabsaday.